BC: Shirka Muqdisho waa fursad muhiim ah, yaan la lumin

Waxay ugu mahadceliyeen Madaxda maamullada ka qeybgalkooda aan shuruuda ku xirnayn.

Warar Keydmedia Online
BC: Shirka Muqdisho waa fursad muhiim ah, yaan la lumin

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka ayaa sheegtay in Shirka la filayo inuu ka furmo Muqdisho maalmaha soo socda uu yahay furad wayn oo ay tahay inay madaxda Soomaaliya ka lumin shacabka.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen ayay ku sheegeen in Shirka indhaha lagu wada hayo, islamarkaana laga filayo inay kasoo baxaan go'aanno wanaagsan iyo heshiis loo dhan yahay oo lagu qaban karo doorashadda.

Waxaa lagu bogaadiyay Rooble qabashadda Shirka, sidoo kale hogaamiyeyaasha Maamullada waxaa looga mahadceliyay kasoo qeybgalkooda shuruud la'aanta.

Waxay Wakiiladda Beesha Caalamka ku baaqeen in dhinacyada ay sameeyaan tanaasul wax ku ool ah, si heshiis deg deg ah loo gaaro, kaasoo saldhig u ah heshiiskii Sep 17 ee la xiriira nidaamka doorashadda.

Maanta ayay ahayd waqtiga loo qabtay inuu shirka ku furmo, laakiin dib u dhac ku yimid, iyadoo ay maqan yihiin Guudlaawe iyo Deni oo la sugayo berri, waxaana kulanka billaabanayaan Sabtida.

Shirka furitaankiisa waxaa qeybgalaya Musharixiinta Mucaaradka, Bulshadda Rayidka iyo dhinacyada kale, waxaana lagu soo koobay qeybihiisa dambe dowladda iyo Maamullada, iyadoo ay jiraan baaqyo ku aadan in wadahadallada noqdaan kuwa loo dhan yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.