BEEGSI - Al-Shabaab ma oggola horumarka Hawiye

Al-Shabaab waxa ay diiddan yihiin in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii laga xoreeyay, waxayna doonayaan in bulshadu indhaha iyo dhagaha ka xirnaato iyo in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee howlgallada ku jira isgaarsiin la’aan ku dhacdo.

Warar Keydmedia Online
BEEGSI - Al-Shabaab ma oggola horumarka Hawiye

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay wariyeen ilo loo qaateen ah Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa xayiraado kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ee ka howlgasha gudaha dalka.

Kooxda Al-Shabaab oo tan iyo bartamihii sanadkaan si gaar ah u beegsanayay shirkadda Hurmuud, isla-markaana dhowr degaan oo kala duwan ku burburiyay xarumihii shirkadda ayaa hadda ku dhawaaqay xayiraad hor leh taasoo aan u jeedkeeda rasmiga ah la ogeyn.

Xogaha qaar waxa ay sheegayaan in Kooxda iyo shirkaddu isku maandhaafeen lacago baad ah oo Kooxdu hore u qaadan jirtay, taasoo meesha ka baxday kadib markii ay burburisay xarumihii Hormuud ee degaanno badan oo dhaca bartamaha iyo Koofurta waddanka.

Sidoo kale Al-Shabaab waxa ay diiddan yihiin in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii laga xoreeyay, waxayna doonayaan in bulshadu indhaha iyo dhagaha ka xirnaato iyo in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee howlgallada ku jira isgaarsiin la’aan ku dhacdo.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda ugu weyn ee ka howlgasha gudaha Soomaaliya, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay Dowladda Federaalka oo la xariira xayiraadaha ay soo rogtay Al-Shabaab.

Dr. Xuseen oo ah aqoon yahan darsa habdhaqanka Kooxaha xagjirka ah iyo sida ay ula macaamilaan shacabka ayaa Keydmedia Online hore ugu sheegay in Al-Shabaab culeyska kasta oo la saaro ay ka aarsan doonaan shacabka iyo shirkadaha ganacsiga.

Dr. Xuseen wuxuu sidoo kale sheegay in mid ka mid ah sababaha ay u jiraan Al-Shabaab ay tahay curyaaminta horumarka dhan kasta ah ee degaannada qaar ka mid ah beelaha Soomaaliya, gaar ahaan beesha Hawiye oo deggan gobollada ugu muhiimsan dalka.

“Al-Shabaab waxa ay culeyska ugu badan 15-kii sano ee la soo dhaafay ku heysay gobollada beelaha Hawiye oo gobolka Banaadir ugu horreeyo, waa beesha ay dadkii ugu badnaa ka dileen dhaqaalihii ugu badnaana ka burburiyeen laakiin waali intaas kuma filna” ayuu yiri.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.