Beesha Caalamka: Halagu qabto doorashada Madaxweynaha si dhakhso leh

Illaa hadda lama oga waqtiga ay dhacayso doorashadda Madaxweynaha cusub, ee Soomaaliya, oo la rabey inay dhacdo Feb 2021.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka: Halagu qabto doorashada Madaxweynaha si dhakhso leh

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda Beesha Caalamka, ayaa ku baaqey in si dhaqso leh lagu qabto doorashadda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro.

Waxaan boorinaynaa in doorashada Madaxweynaha hadda lagusoo dhameeyo si dhakhso leh, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo, si madaxda Soomaaliya ee lasoo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha mudnaanta u leh qaranka iyadoo la eegayo ay danta dhammaan muwaadiniinteed.

Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha xubanaha Baarlamaanka 11-aad, ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka Baarlamaanka labadiisa aqal.

Illaa hadda lama oga waqtiga ay dhacayso doorashadda Madaxweynaha cusub, ee Soomaaliya, oo la rabey inay dhacdo Feb 2021, laakiin dib u dhacday markii Farmaajo mudo korarsi sameystay.

Dhanka kale, Saaxiibada caalamka waxay soo dhoweeyeen doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Gollaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.