Beesha caalamka oo caddaadis saartay Muuse Biixi

Muuse Biixi madaxweynaha maamulka gooni isutaaga ku dhawaaqay ee Somaliland ayaa qaaday dhabihii Farmaajo, isagoo diidan inuu qabto doorashada maamulkaas.

Warar Keydmedia Online
Beesha caalamka oo caddaadis saartay Muuse Biixi

HARGEYSA, Somaliland- Beesha caalamka ayaa waqtigan caddaadis ballaaran saareysa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaas oo doonaya inuu xukunka sii dheereysto.

Madaxweyne Biixi ayaa qaaday dhabihii Farmaajo, sida ay sheegayaan madaxda xisbiyada mucaaridka, isagoo rasaaseeyey dibadbaxyaal dalbanayey inuu doorashada waqtigeeda ku qabto.

Arrimahaas ayaa ka careysiiyey qaar ka mid ah safiirada beesha caalamka ee sida dhaw ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalalka gobolka ku yaal.

Madaxdaas ayaa maanta kulan dhanka fogaan arraga ah la yeeshay madaxweyne Biixi, iyagoo u sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kasta oo ku yimaadda doorashada Somaliland.

Biixi ayaa intii uu kulanka socday lagu wargaliyey, in beesha caalamka ay joojin doonto taageerada ay siiso Somaliland, waa haddii doorashada la gacan bidixeeyo, iyadoo ugu danbeyna ay dhinacyadu isku raaceen doorasho xilligeeda ku dhacda.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.