Beesha Caalamka oo ka hadashay shirka uu Rooble qabanayo

Lama oga in shirka uu waqtigiisa ku dhici doono, maadaama ay soo ifbaxeen caqabado ay kamid tahay colaadda magaaladda Boosaaso.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo ka hadashay shirka uu Rooble qabanayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka, ayaa soo dhoweeyay qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah RW Rooble ku baaqey Todobaadkan.

Kulanka waxaa yeelanaya Gollaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Madaxda Maamulada iyo duqa Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa doorashooyinka.

Waxuu Rooble isku dayayaa hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada xili ay soo baxayaan baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira.

Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021," ayaa lagu yiri qoraalka Beesha caalamka.

Waxaa madaxda Soomaaliya loogu baaqey inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, lana saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay noqoto mid taageero iyo kalsooni ka hesha shacabka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.