Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashadda 15-ka May

Mareykanka ayaa ku baaqey doorasho aan waqtigeeda dib uga dhicin, oo xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Muqdisho 15-ka bishan, oo Musharxiinta isku diiwaangeliyeen.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashadda 15-ka May

MUQDISHO, Soomaaliya - Kahor doorashada madaxweynaha ee Axadda, 15-ka May, saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka waxay ugu baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay "si degdeg ah, nabad ah, oo kalsooni leh" u soo gabagabeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee hannaanka doorasho ee soo jiitamayay in ka badan hal sano.

Rajada laga qabo in Soomaaliya doorasho ka dhacdo ayaa soo laabatay kadib markii guddiga Baarlamaanka uu todobaadkii hore shaaciyay in 15-ka bishan May in ay dhacayso doorashada madaxweynaha, oo mudo dheer la sugayay.

Waxaa ku faraxsanahay horumarka wanaagsan ee laga sameeyay diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo diyaar garowga kale ee loogu jiro in la qabto doorashada. Ma jirto wax sabab ah oo dib u dhac kale ah keeni kara,” ayay Beesha caalamka ku tiri qoraal ay soo saartay Talaadada Maanta ah.

War-murtiyeedka wadajirka ah ayaa ka soo baxay Maraykanka, UK, Ruushka, Turkiga, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Hawlgalka KMG ee Midowga Afrika ee Soomaaliya [ATMIS], Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga. Japan, Kenya, Saudi Arabia, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Ururka Iskaashiga Islaamka, Qatar, Sudan, Sweden, Switzerland, Uganda, iyo UAE.

Hannaanka doorashada dadban ee Soomaaliya, 275 xubnood oo ka kooban Aqalka Hoose iyo 54 xubnood oo Aqalka Sare ah ayaa dooranaya Madaxweynaha kulan wadajir ah oo ay Xildhibaanada yeelan doonaan Axada soo socota.

Xilka ugu sareeya ee dalka waxaa ku tartamaya 39 Musharax oo ay kamid yihiin Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo labo Madaxweyne hore - Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, oo rajo ka qaba inay guuleystaan.

Codbixintan ayaa imaanaysa 15 bilood ka dib markii xilka dastuuriga ah ee Farmaajo uu idlaadey February 2021, iyadoo ka dib la galay hannaan doorasho oo daba-dheeraaday oo ay khalkhal galisay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaana soo baxay khilaaf joogto ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.