Beesha Reer Nimcaale oo xiriirka u jartay maamulka Galmudug

Beeshu waxa ay sheegtay in ay joojisay canshuutsii ay Galmudug ka qaadi jirtay degaannada beeshu degto, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay wax ka qabato dhibaato ay sheegeen inuu ku hayo Qoorqoor.

Warar Keydmedia Online
Beesha Reer Nimcaale oo xiriirka u jartay maamulka Galmudug

GAALKACYO, Soomaaliya – Mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan wada-shaqayntii kala dhaxaysay maamul gobolleedka Galmudug ee uu hoggaanka u hayo Axmed Qoorqoor.

Beesha Reer Nimcaale oo ka mid ah beelaha ugu tunka weyn qabiilka Sacad ee Habargidir ayaa Qoorqoor iyo maamulkiisa ku eedeeyay in ay duudsiyeen xuquuqaadkoodii dastuuriga ahaa ee ay ku lahaayeen Dowlad gobolleedka Galmudug.

Kulamo ka kala dhacay degaanno kala duwan oo Gaalkacyo iyo Muqdisho ugu horeeyaan oo ay isugu yimaadeen, odayaasha, culimada, saraakiisha, dhallinyarada iyo haweenka Reer Nimcaale ayay kaga dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen Galmudug.

“Waxaan nahay dadka Galmudug aasaasay, mudnaan ayaan lahayn maadaama aan ahayn curiyayaalka Galmudug sidaas oo ay tahay Qoorqoor nagama xishoon, xuquuqdii aan lahaynna waan ka weynay, taas ayaa keentay in wada-shaqeynta joojinno”, ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha oo saxaafadda la hadlay.

Beeshu waxa ay sheegtay in ay joojisay canshuutsii ay Galmudug ka qaadi jirtay degaannada beeshu degto, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay wax ka qabato dhibaato ay sheegeen inuu ku hayo Qoorqoor.

Intaas kadib wararka saaka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidan dabaabaad xooggan wata oo beesha cabashada muujisay ka soo jeeda ay la wareegeen Koontaroolada wayn ee magaalada.

Qoorqoor wuxuu hore u dulmiyay inta badan beelaha iyo jufooyinka dega maamulka Galmudug, waxaana la xasuustaa sidii uu xuquuqaadkooda dastuuriga ah u garab marsiiyay beelo badan intii lagu gudajiray doorashooyinkii dhawaan dhamaaday.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.