Beyle oo beeniyay hadal kasoo yeeray Kheyre

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay June iyo July 2020 ay heshay 100 milyan oo dollar ka heshay deeq bixiyaasha iyo Bangiga Adduunka, taasoo lagu kabayo Miisaaniyadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Beyle oo beeniyay hadal kasoo yeeray Kheyre

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in aan waxba ka jirin hadalkii dhawaan uu sheegay Kheyre ee ahaa in dowlado dhowr ah ka ka joojiyeen DF deeqihii dhaqaale ee ay siin jireen sababo la xiriira muran doorashooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay June iyo July 2020 ay heshay 100 milyan oo dollar ka heshay deeq bixiyaasha iyo Bangiga Adduunka, islamarkaana mid cusub ay filayaan sanadka 2021, taasoo lagu kabayo Miisaaniyadda dalka.

Deeqaha Dhaqaalaha waxay dowladda uga yimaadaan Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika [African Development Bank], kuwaasoo boqolaal milyan oo dollar sanad walba siiya Soomaaliya, oo ku jirta dib usoo kabasho kadib 30 sano oo colaad ah.

Wasiir Beyle ayaa qiray in Beesha Caalamka ku canaanatay Farmaajo wax qabad la'aanta iyo hufnaan la'aanta hanaanka doorashadda, ee sida sharci darrad ah u maareynayo, waxaana loogu baaqey inuu la fariisto dhinacyada kasoo horjeeda.

Xasan Cali Kheyre oo xilka si qasab ah July 2020 looga qaadey, ayaa kamid ah Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha, wuxuuna maalmo kahor isagoo kasoo laabtay Ruushka sheegay in DF laga jaray deeqda dhaqaale, maadaama dalka uu galay khilaaf doorasho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.