Joe Biden oo laga codsay inuu Soomaaliya ku celyiyo askartiisa

Pentagon-ka ayaa doonaya in Madaxweyne Biden, ka noqdo go’ankii Trump uu ciidamada dalkaas uga saaray saldhigyada ay ku lahaayeen  Soomaaliya, isla-markaana saxiixo in dhowr boqol oo askari oo ka tirsan kuwa gaarka ah la soo celiyo.

Warar Keydmedia Online
Joe Biden oo laga codsay inuu Soomaaliya ku celyiyo askartiisa

WASHINGTON, Maraykanka - Milateriga Mareykanka ayaa ka codsanaya Madaxweyne Joe Biden, in dib loo howl-galiyo, saldhigyadii ay Soomaliya kaga sugnaayeen, kumaandooskii dalkaas, si ay gacan uga geystaan, joojinta dhaqdhaqaaqyada, Kooxda xiriirka la leh  Al-Qaacida ee Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Taliyayaasha Milateriga ayaa doonaya in Aqalka Cad, uu ka laabto amarkii Madaxweynihii hore, Donald Trump, ee ilaa 700 oo askari, oo ka socday, Army Green Berets, Navy SEALs iyo Marine Raiders, looga saaray saldhigyadii ay ku lahaayeen Soomaaliya, halkaas oo ay ku tababarayeen cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS.

Pentagon-ka ayaa hore u sheegay in ciidamada kumaandooska Mareykanka ee laga saaray Soomaaliya, intooda badan loo raray, dalalka Jabuuti iyo Kenya, waana tallaabo, sahli karta in si fudud loogu soo celiyo dalka, halkaas, oo Al-Shabaab, ku dareemayaan xorriyad dhinaca dhaqdhaqaaqa iyo howl-gallada ah.

Tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Soomaaliya, bishii Janaayo 2021, waxaan qiimeyneynaa in sare u kac ku yimid dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka, isagoo intaa ku daray in xilligan aysan jirin wax cadaadis ah oo saaran Kooxda, isla-markana heystaan ​​xoriyadda dhaqdhaqaaqa.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, ayaa Al-Shabaab, u aragta, in ay yihiin kuwa ugu awoodda badan Al-Qaacida, adduunka oo dhan, waxayna ku qiyaaseen in ay heystaan, 5,000 ilaa 7,000 oo dagaalyahan, Pentagon-ka, ayaana waday dagaal ka dhan ah Kooxdaan tan iyo 2007-dii, markaas oo ay ka soo if-baxeen Soomaaliya.

Milateriga ayaa ka codsanaya Mr. Biden, in ciidamada hadda jooga Jabuuti iyo Kenya, dib loogu soo celiyo Soomaaliya, Saraakiisha Mareykanka, ayaana ku doodaya in askarta maxalliga ahi [Soomaalida] ay si wax ku ool ah u dagaallamaan, marka ay si joogto ah u barbar socdaan hawl-wadeennada gaarka ah ee Maraykanka.

Afhayeen u hadashay Golaha Amniga Qaranka, ayaa sheegtay, in uusan wali caddeyn go’aanka Joe Biden, hayeeshee, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada, ayaa muujinaya rajo ku addan, in Milaterigu heli doono ogolaansho mustaqbalka dhow ah, si ay awood ugu yeeshaan joogitaanka gudaha Soomaaliya.

Maamulka Biden, ayaa hore dib u eegis ku sameeyay go’aankii Donald Trump, ee ciidamada looga saaray Soomaaliya, taas oo qayb ka ah dib u qiimeyn ballaaran oo lagu sameeyay ciidamada Mareykanka ee ku sugan dibadda, iyadoo loo ogolaaday ciidamada inay xilliyada qaar gudaha dalka ka fulin karaan howl-garro gaar ah.

Dhanka kale, Mr. Biden, waxa uu si weyn u dhimay duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka la beegsan jireen, Al-Shabaab, 13-kii bilood ee ugu horeysay ee Biden ahaa madaxweynaha, kaliya shan weerar oo xagga cirka ah, ayaa lagu qaaday Al-Shabaab.

Saraakiisha Mareykanka ayaana taas u sababeeyay in ay aad u adag tahay in la isku dubbarido weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo aysan jirin ciidamo Mareykan ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya, halka, Gen. Stephen Townsend, oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika, uu arrikaas ka muujiyay walaal xooggan.

Hubanti la'aanta ku aaddan mowqifka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa muraayad u ah su'aalaha isa soo tarayay maalmihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa, siyaasadda reer galbeedka ee goobaha xasaraduhu ka taagan yihiin ee Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.