Biden oo qasab ku noqotay inuu soo celiyo duqeymaha Soomaaliya

Mareykanka ayaa Ciidankii ka joogay Soomaali kala baxay bishii January ee sanadkan kadib markii uu Trump ku guul-dareystay howlgalkiisa dibadda.

Warar Keydmedia Online
Biden oo qasab ku noqotay inuu soo celiyo duqeymaha Soomaaliya

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliyeyaal ka socda AFRICOM ayaa Maanta booqday Kismaayo, iyagoo Madaxtooyadda kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxay booqashadooda la xiriirtaa indha-indhayn iyo u kuurgalid xaaladda Soomaaliya, iyadoo Axmed Madoobe warbixin ka siiyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo halka uu marayo.

Mudo 9 bilood ah ayay Ciidanka Mareykanka dalka ka maqnaayeen, kadib markii Trump uu Januaru ka saarey Soomaaliya, iyagoo la geeyay Kenya iyo Jabuuti oo saldhig ku leeyihiin.

Jubbaland waxay kamid tahay meelaha ay Al-Shabaab ku xoog badan tahay, sidaas darteeda AFRICOM waxay ka sameysatay saldhig militeri degaanka Baar-Sanguuni, oo 50-KM dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo, halkaasoo ay kasoo duulaan drones-ka duqeymaha ka fuliya gobollada Jubbooyinka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe oo nuqul kamid ah Keydmedia lasoo gaarsiiyay ayaa lagu sheegay inay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Taliyeyaasha Mareykanka dardargelinta la dagaalanka Al-Shabaab xili doorashooyin ay ka socdaan Soomaaliya.

Biden ayaa dhawaan amray Wasaaradda difaaca dalkiisa inay dib u celiso askartii uu Trump kasoo qaadey Soomaaliya, kadib markii uu arkay inay Al-Shabaab heshay fursad ay ku abaabuli karto weerar ka dhan ah danaha Mareykanka ee Geeska Afrika.

Meelaha kale ay Ciidanka Mareykanka saldhigyada ku leeyihiin waxaa kamid ah xarunta Xalane ee Muqdisho iyo Balad-doogle, gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku tababaraan askarta Danab, oo la howlgala.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.