Biyo la’aan ka jirta Gobolka Galgaduud

Balanbal(KON)-Sida ay Keydmedia online u sheegeen Dadka Magaalada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Biyo la’aan ay soo foodsaarday Dadka ku nool Deegaankaasi iyo tuulooyinka hoostaga.
Warar Keydmedia Online
Biyo la’aan ka jirta Gobolka Galgaduud

Fuustada Biyahaa ayaa la sheegay in Qiimo ahaan ay gaartay 200 oo Kun oo Shilinka Soomaaligaa islamarkaana aysan Dadka qaar awoodin in ay iibsadaan.

Gudoomiyaha Magaalada Balanbal Hareeri Xasan Barre oo Keydmedia online la hadlay ayaa sheegay in Mudo 2 Bilood ah ay Deegaanka ka jirto Biyo yaridaasi,taas oo hada Saameyn weyn yeelatay.

Hareeri Xasan Barre ayaa Dowladda iyo Hay’addaha Gargaarka ka dalbaday in Dadkaasi dhibaateeysan loo gurmado oo Gargaar la gaarsiiyo.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka jira Abaaro iyo Colaado isbiirsaday,kuwaas oo saameeyay Dadka ku nool Gobolka.

Waxaana meelaha qaar Gobolka laga soo sheegayaa in Xoolaha ku nool ay Abaaro iyo Biyo la’aan u geeriyoodeen.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.