Blackwater oo shaacisay in ay Ciidamo u tababareyso Soomaaliya

Muqdisho (keydmedia) Aas-aasihii shirkadda Blackwater Eric Price ayaa shaaca ka qaaday in shirkadiisa ay diyaar u tahay ka qeyb galka taageerada dowlada ee dhanka Tababarka ciidamada.
Warar Keydmedia Online

Mashruuca tababareedka ee ay fulineyso Blackwater ayaa waxaa maalgalintiisa qeyb ka noqon doona wadamo carbeed sida Imaaraadka Carabta, waxaana tirada ciidamada la tababaryo lagu sheegay 2-kun oo askari oo loogu tala galay la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay aas-aasaha shirkada Blackwater oo lagu magacaabo Mark Corallo ayaa sheegay in Eric uu in badan ku kalsoonyahay kaalin wacan ka ciyaarida xaaladaha Ammaan ee dalka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay aas-aasihii Blackwater ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili tuhuno balaaran ay shacabka ka muujinayaan shirkado badan oo ajaanib ah oo ku soo kordhaya dalka isla markaana sheegaya in ay taageerayaan dowlada Soomaaliya.

Blackwater ayaa ka mid ah shirkadaha calooshood u shaqeestayaasha ah ee caalamka dhibaatada badan ka geestay iyadoona Ciraaq iyo Afgaanistaan ay Blackwater ku waxyeeleysay shacab Muslim ah oo kale duwan.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.