Boolis soo kala dhexgalay Xoolo dhaqato kala dhacay Geel 

Ciidanka Booliska Galmudug ayaa dad xoolo dhaqato ah oo kala dhacay Geel ukala wareejiyey maanta.

Warar Keydmedia Online
Boolis soo kala dhexgalay Xoolo dhaqato kala dhacay Geel 

CADAADO -Soomaaliya - Ciidanka Booliiska Galmudug ayaa u kala wareejiyey 31 neef oo geel ah shaqsiyaad ka soo kala jeeda degmooyinka Cabudwaaq iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud kadib markii ay kala dhaceen in ku dhaw isbuucna ay kala haysteen.

Nuur shire oo degmada Cadaado ka soo jeeda ayaa lagu wareejiyey 21 neef oo geel ah halka Aadan Maxamed Guuleed oo Cabudwaaq ka soo jeedana lagu wareejiyay 17 neef oo Geel ah.

Taliye xigeenka qaybta Booliiska gobolka Galgaduud Gaashaanle Cabdi Maxamuud Maxamed (Kadawo), taliyayaasha saldhigyada Booliiska Cadaado iyo Cabudwaaq, Taliyaha ciidanka Birmad, gudoomiyaha Dhabad iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada degmo ayaa ku sugnaa goobta geela lagu kala wareejiyey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.