Booliska Galmudug oo qabtay eedeysane

Ciidamada amaanka Booliska Galmudug ayaa xalay Degmada Cadaado ku qabtay Nin lagu eedeynayo ka qeyb ahaanshaha Kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo todobaadkii la soo dhaafay Muqdisho lagu kufsaday. 

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka booliska Amniga Galmudug ayaa xalay abaaro saqdii dhexe ku guulaystay In ay gacanta ku soo dhigaan eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir, kaasoo ku dhuumaalaysanayay guri ku yaal magaalada Cadaado.

Maxamed Ibraahim ayaa lagu tuhmaayaa inuu ku lug lahaa kiiska Xamdi Maxamed Faarax, oo 19 Jir aheyd oo Dil iyo Kufsi loogu geystay magaalada Muqdisho, kadibna dabaq laga soo tuuray.

Taliska Booliska Muqdisho ayaa Shalay War qoraalka soo saarey lagu sheegay inay xabsiga ku jiraan oo su'aallo la waydiinayo 11 ruux oo loo xiray kiiska baarista falkii lfoosha xumaa ee loo geystay Xamdi, oo ahayd gabar 19 jir ah oo sanadkaan dhameysay waxbarashadda Dugsiga Sare.

Xamdi ayaa dhalinyaro ku shirqooshay hotel-ka Marwo oo ku yaalla Xaafadda Maajo ee degmada Waaberi habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay, waxayna kula kaceen kufsi iyagoo kadibna kasoo tuuray dabaqa.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.