Booliska Soomaaliya oo dhaawacay ardaydii galeysay imtixaanka

Arday ka mid ah kuwii galeyey imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ayaa maanta lagu dhaawacay iskuulka Macallin Jaamac ee degmada Xamar weyne.
 

Warar Keydmedia Online
Booliska Soomaaliya oo dhaawacay ardaydii galeysay imtixaanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 3-arday oo ka mid ah ardaydii galeysay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare ayaa ku dhaawacantay rasaas ay fureen ciidamada booliska ee ilaalinayey amniga imtixaanaadka.

Ardaydan oo imtixaanka ku galeysay dugsiga sare ee macalin Jaamac ee degmada xamar weyne ayaa sida la sheegay ka soo habsaamay waqtigii rasmiga ahaa ee uu imtixaanku billaabanayey, taasoo keentay in loo diido in ay galaan gudaha iskuulka.

Intaas kadib ardayda ayaa isku dayey in ay xoog ku galaan iskuulka si ay imtixaanka ugu fariistaan, waana tan soo de-dejisay isku dhaca dhexmaray ardayda iyo ciidamadii amniga sugeyey, kuwaaso ugu danbeyntiina furay rasaasta ay dhaawacmeen 3- ardayd.

Ardayda dhaawaca ayaa iminka lagu dabiibayaa qaar ka mid ah xarrumaha caafimaadka ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, waxaana arrintan si aad ah uga cabanaya waalidiinta ardaydaasi.

Af-hayeenka ciidanka booliska oo aan dhinca kale qadka taleefanka kula xariirnay si uu ugu jawaabo arrintan iyo qaabka ay wax u dhaceen ayaa sheegay in xilligan aanu fasax u heysan inuu  dhacdadaasi kala hadlo saxaafada.

Sidoo kale Masuuliyiinta wasaarada waxbarashada oo iyagu imtixaankan qaadayey ayey inoo suura gali weysay inaan qadka taleefanka ku helno.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.