Booliska oo iska indha-tiray digniinta Qaraxii Luul Yemeni

CC Warsame ayaa sheegay in laga jaysaday dagaalka Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Booliska oo iska indha-tiray digniinta Qaraxii Luul Yemeni

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha Mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in booliska dowladda uu iska indha-tiray digniin la siiyay 23-kii January 2021 oo ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayso qarax ay ka fuliso Maqaayadda Luul Yemeni.

"Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay," ayuu yiri CC Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta.

Wuxuu intaasi ku daray in hay'adaha amniga ay iska indha-tireen digniinta qaraxa, islamarkaana ay ku mashquuleen weerarka mucaaradka iyo kahor-tagga banaanbaxyada nabdoon ee lagu diidan yahay kaligii-taliye Farmaajo.

"Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Weerarkii Luul Yemeni wuxuu dhacay xili sidoo kale dhawaan Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho uu soo saarey digniin ku saabsan in labo baabuur oo qaraxyo ku xiran ay ku jiraan Muqdisho, islamarkaana la doonayo in lagu weeraro goobo muhiim ah, sida huteello iyo maqaayado dadka isagu yimaadaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.