Boosaaso: dabka kacay xera barakacayaal

Wararka warbaahinta Keydmedia.net ay ka heshay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in dab ka kacay xero dad barakacayaal ah ay daganaayeen oo ku taalay duleedka bari ee Magaalada boosaaso uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca shan kale.
Warar Keydmedia Online

Dabka ayaa la sheegay inuu kacay 11:30 barqanimo ee maanta waxaana  xerada uu dabku  qabsaday  lagu magacaabaa Kam Shabelle,  dadka degan xeradaasi waxa ay ahaayeen kuwa ka barakacay dagaala ka socda koonfurta iyo bartamaha Dalka iyo sidoo kale Kilinka shanaad ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee itoobiya.

Waxaa la sheegay dabku inuu ka dhashay haraadiga sigaar lagu tuuray kaamka waxaana ku burburay in ka badan 50 Guri oo ay daganaayeen dad danyar ah oo qaarkood nolashooda ay aad u liidato.

Todobaad ka  hor sidan oo kale dab ka kacay xera kale oo lagu Magcaabo buula eelaay ayaa waxa ku bas beelay gurya badan oo ay ku noolaayeen dad maras ah oo nolashooduna ay tahay mid ciriiri ah

Madaale Keydmedia Muqdisho- Somalia

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.