Bulshada Soomaaliyeed oo xiligaan Fahmay Faa’iidada Waxbarashada (Warbixin)

Muqdisho (KON) Inkastoo sanadihii ugu dambeeyey waxbarashada dalka oo ku bur burtay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ay u muuqaneysay mid soo kobceysay ayaa sanadkan 2012.ka waxa la shegay in bulshada Soomaliyeed gaar’ahaan kuwa Muqdisho ay ku baraarugeen faaiidada ay leedahay waxbarashada iyada oo taasi sabab looga dhigay in Muqdisho si tartiib tartiib ah ay u soo laabaneysy sanadkan xasiloonidioi ay laheyd.
Warar Keydmedia Online

Degmooyinka Muqdisho ayaa sanadkan si baaxad leh looga dareemayey dhismaha Iskoolada iyo jaamacadaha cusub oo sare u sii qaaday hamiga dad badan oo raja kalahaa mar uun in wax ku bartaa caasimada oo nabad waxaana marka loo eego bulshada Muqdisho intooda ugu badan ay yihiin kuwo ka faa’iida oo wax kabarta iskoolada iyo Jaamacadaha kusoo badanayay sanadkan Muqdisho iyaga oo aan u kala hary rag iyo dumar haba ugu badnaadeenee dadkii horay aan kaga faaiideysan da,dii ay wax ku baran lahaayeen.

Tiro kamid ah dadka xiligani kusoo baraarugay waxbarashada oo aan weydiiyey sababta ayaa sheegay in arinta ugu weyn ay tahay isbadalada ka dhacay dalka iyo in waxa kaliya ee horumar lagu sameyn karo ay tahay tacliinta.

Ustaad C/qani Muuse waa maamulaha guud ee dugsiga sare ee ganacsiga Sheakh C/samad waxa uu arintani ku sababeeey kobaca iyo dib u soo noqoshada waxbarashada Soomaaliya oo xiligani u muuqada mid soo hagaageysa

Waxbarashada oo aas aas u ah horumarka iyo nolosha qofka bini‘aadanka ayaa sanadkan si weyn looga dareemay Muqdisho iyada oo aan look ala harin.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.