Burcad badeeda oo qafaalatay markab laga leeyahay koonfur kuuriya

Muqdisho(keydmedia) Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay shalay galinkii danbe markab laga leeyahay Dalka Koonfur kuuriya oo marayaya inta u dhaxeysa marin biyoodyada Cumaan iyo badweynta hindiya, sida ay soo warisay wakaalada wararka kuuriyada koonfureed ee Yonyap.
Warar Keydmedia Online

Markabka la qafashaay ayaa waxaa saarnaa 8 muwaadin uu u dhashay koonfur kuuriya, laba Indonesia u dhalatay iyo 11 Barma  sida uu sheegay sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada koonfurta kuuriya.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in aan si quman loo ogeyn halka markabka lala aaday, waxaase ay sheegeen in la maleynayo shaqaalaha in aan wax dhibaata ah loo geysan.

Markabka ganacsi ee la qafashaaya ayaa u rarnaa shirkad lagu magacaabo Samho Shipping Company taasoo xarunteedu tahay Dalka Koonfur kuuriya.

Waxaa la rumeysanyahay sababaha sii maanqaaday burcad badeeda Soomaalida kuna dhiira galiyay qafaalka maraakiibta in ay ka mid tahay lacagaha maandhaafka ah ee ay madax fusrashada uga helaan shirkadaha iyo dowladaha iska leh maraakiibta ay qafaalaan.

 Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.