Buuq ka taagan kulanka Gollaha Shacabka

Waxaa lagu tilmaamay isku day uu Farmaajo ku carlqadeynayo kulamada Gollaha Shacabka, ee lagu go'aamin lahaa doorashadda Madaxweynaha.

Warar Keydmedia Online
Buuq ka taagan kulanka Gollaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saakay buuq iyo dood adag ka taagan tahay kulanka Gollaha Shacabka, kadib markii ay soo galeen Xildhibaano aan haysan Kaararka Aqoonsiga [ID Cards].

Xildhibaanada aan haysan IDs ayaa ah kuwii lagu soo doortey Garbahaarey, kuwaasoo aan aqoonsanayn gudiga FEIT, islamarkaana uu wato Madaxweyne hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaanadii kale ee Ceel-Waaq ayaa lagu arkay iyagoo fadhiya Villa Hargeysa, oo isku diyaarinaya inay kulanka Maanta ka qeybgalaan, maadaama ay yihiin kuwa la dhaariyay oo leh aqoonsiyo.

Doorashooyin isbar-bar socday ayaa lagu soo doortay labada dhinac, Ceel-Waaq kuwa ka yimid ayaa FEIT siisay shahaadooyin iyo IDs halka kuwa kale ee Garbahaarey uu hotel dejiyay Farmaajo.

Labada dhinac oo midkiiba ka kooban 16 Xildhibaan ayaan ka qeybgalin doorashadii Gudoomiyaha, maadaama xiligaas kuwii Ceel-Waaq lagu soo doortay la siinin aqoonsiyadda.

Farmaajo ayaa ku baaqey in lagu laabto doorashadda Gedo, oo Gollaha Wadatashiga Qaran shir isaga yimaadaan, maadaama sida uu sheegay nidaamka loo maray uusan waafaqsanayn heshiiskii Sep 17.

Agendaha kulanka Gollaha Shacabka, ee Maanta ayaa ahaa:

1. Hadal jeedinta Gudoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka.

2. Hadal jeedinta iyo xil wareejinta Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10aad

3. Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.