Cabsi Soo wajahday Soomaalida ku nool Kenya

Kadib qarax xalay ka dhacay Magaalada Caasimada u ah Kenya ee Nairobi ayaa waxaa soo ifbaxay durba walaac arintaasi ku aadan oo ay muujinayaan dadka Soomaalida ah ee ku nool Dalkaasi.
Warar Keydmedia Online

Qaraxyada ayaa sida la sheegay lala Beegsadey dibadbax ay Samaynayeen kooxaha Diinta Kirshtaanka, kuwaas oo ka soo horjeeda Dastuurka Cusub ee Dalka Kenya, waxaana sida la xaqiijiyay qaraxaasi ku geeriyooday ku dhawaad 5 qof iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 ruux .

Muxudiin oo ah Suxufi ku sugan kenya ayaa u sheegay Warbaahinta Keydmedia.net in Dadka Soomaaliyeed ee ku nool kenya arintani ay walaac badan galisay waxaana uu sheegay in cabsida ugu weyn ee ay dadku qabaan in ay tahay howl galka ciidamada inuu saameyn ku yeesho.

Bishii Janaayo ee Sanadkan rabshado salka ku hayay arimaha Diinta oo ka dhacay Dalkaasi ayaa saameyn balaaran waxa ay ku yeesheen shacabka Soomaaliyeed ee ku noo kenya waxaana howl galo ay sameeyeen xiligaas ciidamada Amaanka kenya lagu soo qabtay dad Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya boqolaal ruux

 keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.