Cabdi Xaashi oo beeniyay in heshiis uu la galay Farmaajo

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in wali Villa Somalia aysan sameyn wax tanaasul ah, oo ku aadan dhismaha gudiyadda doorashooyinka khilaafka abuurey.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo beeniyay in heshiis uu la galay Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkka sheegaya inuu heshiis la galay Farmaajo, oo lagu qanciyay inuu 4 xubnood loogu daro gudiga doorashadda Xildhibaanada Somaliland.

Wuxuu sheegay in Garoowe ay isku arkeen Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed intii uu socday Shirkii Heritage, islamarkaana ay kawada hadleen sidii ay Shir guud isagu imaan lahaayeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, oo lagu xalinayo khilaafka.

Cabdi Xaashi ayaa meesha ka saarey inuu tanaasuley, oo aqbalay in doorashadda xubnaha ku mateli doono gobollada Waqooyi Baarlamaanka 11aad ay maamusho dowladda, isna uu qeyb ku yeesho Gudiga doorashadda.

Mowqifka Cabdi Xaashi ayaan isbedelin wali, oo ku adkaysanaya in isaga loo madax-baneeyo magacaabista gudiga, oo ka kooban 8 xubnood kaasoo uu Ra'iisul Wasaare Rooble magavaabey December 2020.

Khilaafka siyaasadeed ee dalka ayaa salka ku haya dhismaha gudiyadda doorashooyinka, heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, oo Mucaaradka ay sheegeen in lagu soo daray xubno NISA katirsan iyo shaqaalaha dowladda, arintaas oo dood culus dhalisay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.