Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ugu baaqay DF in la sii daayo Wariye

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir ayaa xariga xaq-daradda ah ee loo geystay Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow ku tilmaamay mid argagixiso. 

Warar Keydmedia Online

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay Dowladda in si deg deg ah loo siidaayo Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo kamida shaqaalaha idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, wuxuuna xarigiisa ku tilmaamay xaq-darro. 

"Ma jirto cid soo xirtay, xorriyaddana uga qaadday taliyaha Nabadsugidda markii uu isagoo Aljazeera u shaqeeya duurka ku soo waraysan jiray madaxda sare ee argagexisada Al-shabaab. Ku takrifalka awoodda waa dulmi inoo horseeday qaran jabka aan weli ka soo kaban la’nahay." Ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay xarriga Cabdullaahi Kulmiye Caddow taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasiin. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.