KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xaaladda abaarta dalka oo meel halis ah mareysa, ayaa markan u baahan jawaab bani'aadminimo oo rasmi ah.
MUQDISHO, Soomaaliya- Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha abaaraha ayaa kulan la yeeshay safiirada wadamada deeq bixiyayaasha ah.
Kulankan oo ka qabsoomay aallada fogaan araga, ayaa waxaa soo qaban qaabisay dowlada Jarmalka, iyadoo nuxurkiisa uu ahaa sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa abaarta darran ee ka jirta.
Ergayga ayaa furitaanka kulanka u sheegay safiiradii ka qeyb galayey, in xaaladda abaaraha ay mareyso meel halis ah, wuxuuna ka dalbaday in ay kaalin ka qaataan samata bixinta dadka ay abaartu waxyeeleysay.
Sascha oo ah safiir ku xigeenka Jarmalka kana mid ah qaban qaabiyaasha kulanka, ayaa dowlada cusub ku amaanay doorka ay ka qaadaneyso la tacaalida abaaraha jira, isagoo sidoo kale carabka ku dhuftay in sanadkan ay dowlada Jarmalka abaaraha ku bixisay lacag gaareysa 45 milyan oo yuuro.
Safiiradii kulanka ka qeyb galay ayaa si toos ah u sheegay in ay laba jibaari doonaan gurmadka ay ka geysanayaan abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.
Waxey dhanka kale ku baaqeen, in indhaha loo soo wada jeediyo abaarta sii daba dheeraaneysa, taas oo wax looga qaban karo wadajir.
Gudaha dalka waxaa sii baaheysa abaarta, oo cagta mariysay xoolihii iyo beerihii, waxaana badanaya dadka goobaha miyiga uga soo cararaya haraadka iyo gaajada.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.