Cabdulqawi: ICJ Cadaalad darro bay ku sameysay Soomaaliya

Garsooraha ayaa ku eedeeyay Maxkamadda inay hareermartay sharciyadii horey usoo saartay, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay in Kenya la siiyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Cabdulqawi: ICJ Cadaalad darro bay ku sameysay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Sharci-yaqaan Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa sharci darro ku tilmaamay in Kenya loo xukumo bad aysan lahayn, isagoo cadaalad darro ku tilmaamay go'aankii shalay, kaasoo Soomaaliya ku heshay 92.5%  badii ka maqnayd.

Cabdulqawi waa xubin sare oo katirsan 15-ka Garsoore ee gaarta go'aannada Maxkamadda ICJ, wuxuu sidoo kale ahaa Madaxweynihii ka horeeyay gabadha hadda xilka haysa Joan Donoghue oo u dhalaatay Mareykanka, taasoo xilka la wareegtay Feb. 2021.

Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay Cabdulqawi in ICJ ay cadaalad darro ku sameysay Soomaaliya kadib markii ay go'aamisay in la qalloociyo xariirdii toonayd, iyadoo Kenya u sharciyaysay xuduud badeedkii la isku haystay qeyb kamid.

Muranka waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya ay dooneysay in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo ee xariiqda toosan ee ka timid dhulka xadka dhulka halka Kenya ay dooneyso in xariiqda la weeciyo.

Wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid kahor imaanaysa go'aanadii hore ee Maxkamadda oo ahayd in Soomaaliya ay xuduudeeda badda ku cabiran tahay dhulkeeda, islamarkaana xariiqda ay tahay mid toosan.

ICJ ayaa sheegtay in Kenya aysan haysan marin biyood kadib markii heshiis ay la gashay Tanzania ay ku waysay dhul badeed gaaraya 25,000 mile. Baaxadda ay ku fadhiso badda lagu muransan yahay waxaa uu gaarayaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Cabdulqawi ayaa sheegay in go'aankii shalay uu ahaa mid eex iyo cadaalad darro ah, islamarkaana ay ICJ si bareer ah, oo sharciga baal-marsan u siiyay Kenya bad aysan lahayn, iyadoo marmarsiiyo looga dhigayo in cariir kasoo wajahay dhanka Tanzania bad uga maqan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.