Cabudwaaq oo dhageysiga Shiikh Mustafa laga mamnuucay

Maamulka Ahlu-suna ee ka taliya Degmada Cabudwaaq ee gobalka Galguduud ayaa mamnuucay in idaacadaha Deegaankaasi laga baahiyo Duruusta diininga ah ee uu Duubay Shiikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.
Warar Keydmedia Online

kadib amar ka soo baxay maamulkaasi ayaa idaacadaha deegaankaasi lagu wargaliyay in aanay baahin karin Cashrada isugu jira Siirada NNK-ha ahaatee iyo Muxaadarooyinka Diiniga ee Shiikhaasi iyadoona aanay wax sabab ah u yeelin .

Dhanka kale Waxa ay sidoo kale uga digeen maamulkaasi idaacadaha adeegsiga erayo kol hore ay Alshabaab ku amreen Warbaahinta Soomaaliya kuwaa oo uu ugu weynyaha in Alshabaab loogu yeero (XARAKADA MUJAAHIDIINTA ALSHABAAB), waxaana ay sheegeen maamulkaasi in aanay u dul qaadan karin maqalka ereygaasi, laakiin ma shaacin erayga ay doonayaan in lagu badalo.

Cadaadiska, Caburinta iyo hanadaada ay la kulmayaan warbaahinta iyo wariyaasha ka howl gala Soomaaliya Dhawaanahaba waxa uu ahaa mid sii kordhaya, taasina waxa ay sababtay in wariyaal badan ay ka cararaan Dalka halka kuwa kalana iyaga oo Dalka ku sugan ay joojiyeen howlihii warbaahinta Sabab la xiriirta Amaankooda.

Dhanka kale waxaa jira ururo ku shaqeesta Magaca ah in ay matalaan Saxaafada Soomaalida kuwaa oo haba yaraatee aan ka warqabin xaalada wariyaasha iyo warbaahinta ay ku sugan yihiin, balse mashaariic kale duwan ku qaata Hey

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.