Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigay 3 maalmood

Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq ah iyo in calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo.

Warar Keydmedia Online
Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigay 3 maalmood

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa sheegay in Calanka Soomaaliya hoos loo dhigay saddex maalmood, oo Maanta ka billaabata si loo muujiyo muragadda geeridda Cali Mahadi Maxamed, oo shalay Isbitaal ku yaalla Nairobi ku dhintay.

Waxay sidoo kale Xukuumadda xil-gaarsiinta magacawday gudi 11 xubnood ka kooban, oo diyaariya aas qaran oo loo sameynayo Cali Mahdi oo lagu wado in Meydkiisa la keeno Muqdisho saacadaha soo socda.

Cali Mahadi oo ku dhintay da'da 82 ayaa soo noqday Madaxweyne intii uu dalka dagaallada sokeeye ku jiray, iyadoo dowladdii uu hogaaminayay ay la kulantay mucaaraddo gudaha ah intii u dhaxaysay 1991 illaa 1997.

Sababta geerida Cali Mahadi wali lama shaacin, waxaana kasoo  baxaya warara kala duwan.

Madaxdii hore iyo kuwa hadda ayaa tacsi ka diray geeridda Cali Mahdi, iyagoo ku sifeeyay hogaamiye mudo adag dalka kasoo shaqeeyay oo lagu xasuusan doono dedaalkiisa soo celin nabada iyo dowladnimadda.

Halkan ka akhriso Warbixin Keydmedia Online ka diyaarisay qofka uu ahaa Cali Mahdi iyo Taariikhdiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.