Cali Guudlaawe oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, tan iyo goortii loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Hirshabeelle.

Warar Keydmedia Online
Cali Guudlaawe oo Muqdisho soo gaaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa soo gaaray magaalda Muqdisho iyadoo ay garoonka diyaaradaha ee aadan cadde ay kusoo dhaweeyeen xubno ka tirsan golayaasha Baarlamanka JFS, Wasiirro, maamulka gobolka Benaadir dhallinyaro iyo haweenka 17 -ka degmo ee gobolka Benaadir.

Cali Guudlaawe ayaa madaxweyne dowlad goboleedka Hirshabeelle loo doortay 11/11/2020 waxa uuna ka baaqday safar la doonayay inuu ku tago magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo ay ka dhaceen bannaan-baxyo looga soo hor jeedo isaga, kuwaasoo sababay ugu dambeyn in ay sameysmaan Jabhad uu hoggaaminayo Janaraal loo yaqaan Xuud kaasoo ku baaqay inuu la dagallamyo waxa uu ugu yeeray Hirshabeellada Jowhar laga leeyahay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa kusoo aaday xilli dalku uu ku jiro xaalad adag, waxaana jira is qabqabsi ku aadan madaxda ugu sarreysa DF iyo madaxda dowlad goboleeyada Soomaaliya.

Booqashadii ugu horreysay ee uu kaga baxo xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar  ayey noqoneysaa middan, isagoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.