Caqabad soo wajahday ganacsatada Baledxaawo

Baledxaawo(keydmedia) Ganacsatada degmada Baledxaawo ee juquraafi ahaan dhacda xadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Kenya ayaa iminka waxaa la soo gudboonaaday caqabad balaaran kadib amaro ka soo baxay Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Alshabaab ayaa ku amray ganacsatada halkaasi ka shaqeysata qaadashada lacagta Shilin soomaaliga, iyadoona ganacsatadaasi 20-kii sano ee la soo dhaafay ay adeegsanayeen lacagta Dalka Kenya oo ay macaamiil ganacsi la wadaagaan.

 

Ganacsatada qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in caqabad balaaran ay ku tahay amarkaasi shabaab ka soo baxay, waxaana ay ku wargaliyeen shabaabku in dhaqaalahooda dhibaata uu wajahayo haddii ay bilaabaan isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga.

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.