KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu reebayo dhaxal xun iyo caqabado waaweyn, oo adkaan doonto inuu Madaxweynaha cusub uu mudo kooban wax uga qabto.
MUQDISHO, Soomaaliya - Saacado kooban ayaa ka haray waqtiga Soomaaliya yeelan doonto Madaxweyne cusub, oo bedelaya Farmaajo oo xukunka haystay mudo 5 sano iyo saddex bilood.
Waxaa kursiga ugu awoodda badan dalka u tartamaya 37 Musharax, kadib markii labo Musharax C/kariin Guuleed iyo Dr C/naasir Cabdulle ay u tanaasuleen C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Madaxweynaha cusub ee imaan doono, ayaa ku imaan doono codka Xildhibaano, maadaama aysan shacab u codeynin, waxaana uu yeelan doonaa mudo-xileed dastuuri ah oo afar sano ah.
Madaxweynaha cusub wuxuu ka dhaxli doonaan Farmaajo dhaxal xun [Bad legacy], iyo caqabado badan oo ay ugu horeeyaan amniga, musuq-maasuqa, dagaalka Al-Shabaab iyo abaaro.
Doorashadda waxay dhacaysaa labo maalin kahor waqtiga ay IMF sheegtay inay ku egtahay mudadii loo qabtay dowladda inay dib u eegis ku sameyso barnaamijka kaalmada dhaqaale 17-ka May.
Dalka Soomaaliya, ayaa kala daadsan dhinac walba, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo amni ahaan, iyadoo ay sii dheertahay siyaasadda dibadda oo Maamulkii Farmaajo qaribay.
Waxuu Farmaajo lumiyay taageeradii uu helay 2017 markii la doortay, oo dal iyo dibad looga banaanbaxay, taasoo uu ku ciyaaray shantii sano ee uu xukunka hayay, isagoo isku dayay afgembi.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.