Carruur ku geeriyootay shil ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday shilka oo ka dhacay degmada Shingaani gaar ahaan meel u dhow xarunta gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday shilka oo ka dhacay degmada Shingaani gaar ahaan meel u dhow xarunta gobolka Banaadir.

Gaariga oo ahaa nooca Cabdi Bilaha loo yaqaano ayaa jiiray carruur iskuul ka soo baxay, kuwaas oo waddada goynayay, waxaana ku dhintay hal cunug, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wadayaasha Gaadiidka ciidamada Dowladda ayaa lagu eedeyaa in aysan taxadar muujin xilliyada ay marayaan waddooyinka oo ay khatar geliyaan nolosha dadka rayidka ah ee waddada isticmaalaya.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.