Caruur walaalo ah oo miino kula qaraxday Togdheer

Khasaare xooggan ayaa ka soo gaaray, miino ku qaraxday seddex caruur ah, oo walaalo ah.

Warar Keydmedia Online
Caruur walaalo ah oo miino kula qaraxday Togdheer

TOGDHEER, Soomaaliya- Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugy jira ayaa ka dhacay, kadib markii caruur walaalo ah ay Miino kula qaraxday duleedka gobolka Togdheer.

Deggaanka ay caruurtu miinada kula qaraxday ayaa lagu magacaabaa Sibidhley, wuxuuna ku yaallaa duleedka Togdheer.

Caruurtan oo ka soo jeeday qoys xoolo dhaqato ah,  ayaa ku ciyaarayey miinada, waxaana halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah caruurta, iyadoo 2 kalana ay ku dhaawacmeen.

Isbitalka guud ee Gobolka Togdheer, ayaa la gaarsiiyey, dhaawacyadii caruurtii ku waxyeelowday qaraxaasi miino.

Ma ahan markii ugu horreysay, ee gudaha Togdheer ay caruur miino kula qaraxdo, waana arrin soo noq noqotay oo loo sababeynayo, haraadiga hubka dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gobolkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.