Cawaaqibka ka dhalan kara Doorasho aan heshiis lagu ahayn

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu Farmaajo diido in la wadahadlo, oo horey looga dhaqaaqo halka uu maanta dalka marayo.

Warar Keydmedia Online
Cawaaqibka ka dhalan kara Doorasho aan heshiis lagu ahayn

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa si kulul u cambaareeyay go'aanka Xukuumadda Rooble ay ku dhawaaqday ee ah inay doorasho aan loo dhameyn wadanka ku qabanayso.

Cabdi Xaashi ayaa War-saxaafadeed ku sheegay inay nasiib darro tahay in Xukuumadda ku dhawaaqdo in dalka galayo doorasho, iyada khilaaf uu jiro islamarkaana heshiis laga gaarin muranka guddiyada doorashadda, dhismaha gudiga doorashadda Somaliland iyo arinta Gedo.

Wuxuu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta, hadii la qabto doorasho aan hehsiis lagu aheyn, taasoo hadii la qabto dhabarjab ku noqoneysa midnimada dalka iyo wadajirka Shacabka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Hadalka Cabdi Xaashi ayaa imaanaya kadib markii shalay uu Rooble sheegay in doorashadda ay ka dhici doonto Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, iyadoo aan ku jirin Jubbaland iyo Puntland.

Musharixiinta Mucaaradka ayaa sidoo kale cambaareeyay go'aanka Xukuumadda oo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali karin. Si kastaba, waxaa laga war-sugayaa halka ay Rooble, Qoor Qoor, Lafta Gareen iyo Guudlaawe geyn doonaan doorasho aan loo dhameyn.

War-Saxaafadeedka Cabdi Xaashi:

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.