CC Warsame oo ka qeyb galay meertada 113-aad IOM

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero Soomaaliya la qabsiga isbeddelka cimiladda, lagana shaqeeyo mashaariic lagu dhisayo u adkaysiga aafooyinka.

Warar Keydmedia Online
CC Warsame oo ka qeyb galay meertada 113-aad IOM

SWITZERLAND - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qaybgalay furritaanka meertada 113-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM.

Kalfadhigaan oo socon doona ilaa 2-da December waxaa diiradda lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn ku leh caalamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed oo hadda abaaro ba’an la daalaa-dhacaya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero Soomaaliya la qabsiga isbeddelka cimiladda, lagana shaqeeyo mashaariic lagu dhisayo u adkaysiga aafooyinka.

Sida in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashi dhanka beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboollaan baahiyaha soo noqnoqday ee is-baddelka cimillada ka dhashay oo abaaraha, fatahaadaha iyo kuleylku qeyb ka yihiin.

Warsame ayaa dhamaadki bishii hore kulan ka dhacay magaalada Bern ee caasimadda Switzerland,la qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adda Horumarinta Caalamiga ah isagoo kala hadlay kordhinta kaalmada gurmadka abaaraha.

Kulankaas waxaa ka sii horreeyay shir ka dhacay Magaalada Genève oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.