CCW oo ka shaqeyn doona arrimaha abaaraha dalka

Guud ahaan dalalka Geeska Afrika ayaa la daalaa dhacaya xaaladaha abaareed ee aadka u daran, iyadoo in ka badan 23 milyan oo qof ay macluul daran ku wajahayaan dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya.

Warar Keydmedia Online
CCW oo ka shaqeyn doona arrimaha abaaraha dalka

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ergayga gaarka ah Arrimaha Abaaraha iyo Bini-aadannimada Soomaaliya, u magacaabay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadjir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ay siyaasad ahaan iska aragti dhowyihiin.

Xilkaan ayaa ah mid uu si mutadawacnimo ah uga sii shaqeyn doono maalmaha soo aaddan Warsame oo ilo xogogaal ah sheegayaan inuu ka mid noqon doono, Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda soo socota, waxaana la isla dhex marayaa inuu noqon doono Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuu shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaaradka ugu xooggan nidaamkii Farmaajo, wuxuuna ku jiray Musharrixiintii 15-kii bishaan u tartantay Xilka ugu sarreeya dalka, waxaana la saadaalinayaa inuu sanadaha soo socda si dhow ula shaqeyn doono maamulka cusub, maadaama uu qeyb ku lahaa guusha la gaaray 15 May.

Saamaynta isbedelka cimiladu waxay si naxariis darro ah u saamaysay Soomaaliya, taasoo sababtay in abaaruhu noqdaan kuwo soo noqnoqda oo aad u daran, Saddex xilli roobaad oo aan u di’in sidii la filayay, ayaa sababtay xaalad adag, xilli hadda roobka Guga uusan si buuxda isku raacin inkastoo uu qeybo ka mid dalka ka curtay.

Qiyaastii 6 milyan oo qof (ku dhawaad ​​40% dadweynaha) ayaa la sheegay inay soo food saartay cunto yari ba'an taas oo ay ugu wacan tahay xaaladaha abaareed ee sii xumaanaya, 3.5 milyan oo ka mid ah dadka abaaruhu saameeyeen, ayaa wajahaya biyo la'aan daran maadaama ilihii biyuhu ay qalaleen, horraantii sanadkii hore.

Tirada dadka ay saameeyeen abaaruhu waxay kor u kacday 4.9 milyan bishii March ilaa 6.1 milyan bishii Abriil, kuwaas oo ku dhawaad ​​760,000 oo ka mid ah ay ka barokaceen guryahooda, una baahan yihiin hoy, cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah, waxaana isha lagu hayaan sida uu xaaladdan adag u maareeyo CCWarsame.

Guud ahaan dalalka Geeska Afrika ayaa la daalaa dhacaya xaaladaha abaareed ee aadka u daran, iyadoo in ka badan 23 milyan oo qof ay macluul daran ku wajahayaan dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen Oxfam iyo Save the Children, taasi tirada sanadkii hore ka dhigeysa in ka badan 10 milyan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.