CCW oo soo jeediyay in hoos loo dhigo maalmaha xoriyadda

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo jeediyay in hoos loo dhigo xuska maalmaha xorriyadda dalka, isagoo sheegay waddanku inuu ku jiro xaalad abaareed oo aan dabaal-deg mudnayn.

Warar Keydmedia Online
CCW oo soo jeediyay in hoos loo dhigo maalmaha xoriyadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku baaqay in sanadkaan hoos loo dhigo xuska maalmaha xoriyadda maadaama ay dalka ka taagan tahay abaar xoogan oo malaayiin ruux saameysay.

Hoggaaamiye Warsame oo ka qeyb galayay barnaamijka Dood-wadaag, ee ka baxa Universal TV, wuxuu soo jeediyay in juhdi la galiyo sidii indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba loogu soo jeedin lahaa malxaladda adag ee dalku ku jiro, si gurmadka loo baahan yahay ay u helaan dadka Soomaaliyeed ee abaareysan.

“Hadda waxaan u dabaal-degeynaa maalmihii gobonnimada, halkay gobonnimo taallaa waxaa gaajo u dhimanaya dadkeenii?, Waxaan soo jeedinayaa in dadka ku mashquulsan xuska 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo in ay sida ugu basiidsan u sameeyaan, sababtoo ah xaaladda dalku ku jiro iyo maalmo dabaaldag isma laha”. Ayuu yiri CC Warsame.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa 13 June 2022, magacaabay Guddi Qaban-qaabinaya Xuska Sanad Guurada 62-aad ee ka soo wareegtay markii dalku xornimada ka qaatay gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga 26-kii Juunyo iyo 14-kii Luuliyo 1960-kii, xuskaas ayayna ku bixi doontaa lacag xooggan.

Cabdiraxmaan wuxuu saddexdii todobaad ee la soo dhaafay juhdigii ugu badnaa galiyay xog aruurinta iyo soo bandhigidda marxaladda abaarta ka jirta dalka, taasoo la sheegay in ay ka daran tahay middii 2011 oo rubac malyan dad ah ku naf-waayeen, isla-markaana la xusay in ay tahay abaartii ugu darneyd ee dalka ka dhacda muddo 40 sano ah.

Ku dhawaad 8 Milyan oo Soomaali ah ay abaaruhu saameeyeen, dhammaan gobollada dakana ayayna ka taagan yihiin xaalado bini’adannimo oo ka jawaabid degdeg ah u baahan, halka hal malyan iyo bar ka mid ah dadkaas abaaruhu saameeyeen ay yihiin carruur, kuwaas oo 400,000 oo ka mid ah ay nafa-darro hadda wajahayaan.

Soomaaliya waxay gobonimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, maalmo isxigxigay; goboladda waqooyiga oo aheyd 26-ka Juun iyo koofurta oo ku beegneyd 1-da Luulyo, halkaas oo markii ay Soomaalidii waqooyiga xornimada heleen ay la midoobeen walaalahoodii kale, kadibna lasoo dhisay dawlad dimuqraaddinimo ku saleysan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.