CCWarsame oo gargaar gaarsiiyay Baardheere

Wafdi uu Hoggaaminayo Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada oo uu qeyb ka ahaa Safiirka Dowladda Qatar, ayaa maanta deeq gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay magaalada Baardheere ee Gobalka Gado.

Warar Keydmedia Online
CCWarsame oo gargaar gaarsiiyay Baardheere

BAARDHEERE, Soomaaliya - Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa maanta gaaray degmada Baardheere oo ka mid ah degmooyinka marti-galinaya barakacayaasha ugu badan ee abaartu wax-yeelleysay.

Ergayga waxaa safarka ku weyliyay xubno ka tirsan Hoggaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha, Safiirka Dowladda Qatar iyo masuuliyiin sare oo ka socday hay’adda Qatar Al- khayriya, waxaana qaar ka mid ah 21 xero oo ay ku jiraan 28 kun oo barakacayaal ah la gaarsiiyay deeq gargaar oo billow ah, sida ergaygu sheegay.

“Waxaan maanta booqanay Degmada Baardheere oo ka mid ah deeganaada ay abaartu saamaysay, gaar ahaan dadka ka soo barakacay deegaanada kale ee ku dhow Degmada. Ugu yaraan 28 kun oo barakacayaal ah ayaa hadda ku nool 21 xero, kuwaasoo gar-gaar aad u yar soo gaaray”. Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ergayga ayaa labadii bishaan dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyay Xog-hayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Gheit, kulan ka dhacay magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon, u jeedka farriintaas ayaa ahayd mid bini’aadannimo.

Ergayga ayaa sidoo kale shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda Carabta oo looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliya, ku soo bandhigay xaaladda abaarta Soomaaliya, isaga oo codsaday in aan Soomaaliya lagu eegan xaaladda abaaraha ee adag, si deg deg ah loogu istaago gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

In ka badan 7.1 milyan oo qof ay dhibaatada abaartu soo gaartay ilaa hadda, kuwaas oo ay ku jiraan ilaa 700,000 oo qof oo ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo baad, xilli ay ka sii dareyso xaaladda dadka ku sugan goobaha ay ka dillaaceen daacuunka iyo Jadeecada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.