Xiisad ka taagan xadka Kenya iyo Soomaaliya

Fahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad ka dhacay meel ku dhaw magaaladda Beled-Xaawo oo dhawaan dagaal uu ka dhacay.

Warar Keydmedia Online
Xiisad ka taagan xadka Kenya iyo Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisad ayaa ka taagan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya oo mudooyinkii dambe ay ka dhaceen dagaallo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhawaac, sidoo kalena dad shacab ah ay ku barakaceen.

Saraakiisha amniga gobolka Gedo ayaa u sheegay KON in xiisadda ay ka dhalatay Iska hor'imaad labo maalin kahor ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya meel ku dhaw xuduuda.

Labo Askari oo Ciidanka booliska Kenya ee ku sugan barta looga gudbo xadka labada dal, oo lagu magacaabo "pb3 area", dadka qaarna u yaqaanaan Barri, ayaa ku dhawaacay rasaas looga soo furay dhinac meel 10 mitir u jirta oo dhanka Beled-Xaawo xigta.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa rasaasta ku furay kuwa Kenya kadib markii qabteen labo gabdhood oo Soomaali ah oo doonaya inay dhinaca Mandheera u gudbaan, iyagoo ka yimid Beled-Xaawo.

Booliska Kenya ayaa iyagoo su'aallo waydiinaya gabdhaha waxaa rasaas ku furay Ciidanka Soomaalida ee Beled-Xaawo ku sugan, waxayna dhaawacyo fudud gaarsiiyeen labo Askari, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka Mandheera.

Saraakiil Ciidanka Kenya ka socota ayaa booqday goobta, waxayna uga digeen askartooda inaysan jawaab bixin, oo ay isxakameyn muujiyaan, si looga hortago dagaal labada dal ka dhex qarxa.

Keydmedia Online ayaa maalin kahor soo qortay warkan askarta Kenyanka ah ee lagu dhaawacay xadka. [Halkan ka akhriso Warbixintii hore]

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.