Ciidamada DF oo faarujiyey Goofgaduud Buureey

Maalin kahor ayuu weerar xoog leh ka dhacay degaanka, waxaana ku dagaalamay Ciidanka DF iyo Al-Shabaab oo saacado la wareegtay gacan ku heynta goobtaas oo laga ilaaliyo amniga magaaladda Baydhabo.

Warar Keydmedia Online

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta faarujiyey degaanka Goofgaduud Buureey oo 30-KM u jira magaaladda Baydhabo, ugana beegan dhan ka wadooyi.

Mas'uuliyiintii maamulka Goofguduud sida guddoomiyihii iyo taliyihii ciidanka ayaa lagu dilay weerarkii aadka u xooganaa ee dhacay 17-kii bishaan.

Lama oga sababta Ciidanka uga soo baxeen degaanka, oo mudooyinkii dambe noqday goob dagaal, oo marba dhinac la wareego.

KEYDMEDIA ONLINE
 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.