Ciidamada Dowladda oo qarka u saaran ‘Aadan Yabaal’

Taliyaha Guutada 4-aad ee Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Korneyl Saney Cabdulle ayaa warhaahinta u sheegay “In Aadan Yabaal ay saacadaha soo socdo soo geli doonto gacanta Dowladda iyo dadka degaanka, isla-markaana ay kaabiga ku hayaan ciidamadu.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda oo qarka u saaran ‘Aadan Yabaal’

AADAN YABAAL - Ciidamada Dowladda oo ay weheliyaan kuwa degaanka [Macawisley] ayaa la soo warinayaa in ay saaka kaabiga ku hayaan degmada Aadan Yabaal oo ah saldhiga ugu weyn ee Kooxda Al-Shabab ay ku leedahay gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wararka soo gaaraya ‘Warqabadka Keydmedia Online’ ayaa sheegaya in dagaallamayaashii Al-Shabaab ee ku sugnaa Aadan Yabaal ay ka baxsadeen kadib markii Ciidamada huwanta ah hareeyeen, waxaana la filayaa in Ciidamada Dowladda ay gudaha u galaan degmada.

Ciidanka hareereeyay Aadan Yabaal oo ka kala ruqaansaday degaanada Ceelbaraf iyo Masaajid Cali Gaduud, ayaa shalay la wareegay degaannada Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam, halkaasoo ay sanado badan Al-Shabaab ku lahaayeen fariisimo xooggan.

Taliyaha Guutada 4-aad ee Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Korneyl Saney Cabdulle ayaa warhaahinta u sheegay “In Aadan Yabaal ay saacadaha soo socdo soo geli doonto gacanta Dowladda iyo dadka degaanka, isla-markaana ay kaabiga ku hayaan ciidamadu.

Kooxda Al-Shabaab ayaa jab xooggan kala kulantay howl-gallada looga xoreynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaana laf dhuun gashay ku noqday duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga.

KON ayaa xasuusata in bishii April ee 2016 ay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM la wareegeen gacan ku heynta degmada Aadan Yabaal inkastoo markii danbe ay dib uga soo baxeen.

Aadan Yabaal waa mid ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha dhaxe, waana degmo ku taall aag istaraatiiji ah oo muhiim u ah Saddexda gobo lee Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe waana degmadii ugu danbeysay ee gobolka oo Al-Shabaab heysteen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.