Ciidamada Dowladda oo qarka u saaran Ceeldheer

Dhawaan Dowladda waxa ay ku dhawaaqday in dhammaan gobollaka Shabeellaha dhexe laga xoreeyay Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacdia ee Al-Shabaab, isla-markaana laga sifiiyay inta badan degaannada gobolka Hiiraan loona jaheystay xoreynta gobolka Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda oo qarka u saaran Ceeldheer

GALCAD, Soomaaliya – Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa degaanka oo ka tallaabay gobolka Shabeellaha dhexe ayaa u gudbay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya iyagoo kaabiga ku haya degaanno ay muddo gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, ciidamadu waxa ay qarka u saaran yihiin degmada Ceeldheer iyo degaannada Galad iyo Masagawaay oo dhammaantood jahada koofureed ka xiga degmada Ceel-buur oo ka mid bartilmaameedyada Dowladda.

Dhawaan Dowladda waxa ay ku dhawaaqday in dhammaan gobollaka Shabeellaha dhexe laga xoreeyay Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacdia ee Al-Shabaab, isla-markaana laga sifiiyay inta badan degaannada gobolka Hiiraan loona jaheystay xoreynta gobolka Galgaduud.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online Al-Shabaab ayaa faarujiyay tuulooyin dhowr ah oo hoos taga Ceeldheer. Al-Shabaab waxa ay culuskoodii ugu badnaa isugu geeyeen Wabxo iyo degaannada hoos taga taasoo muujineysa in ay muhiimad gaar ah siinayaan Ceel-buur.

Wax ka yar lix bilood tan iyo markii uu howlgalka ka dhanka Al-Shabaab billowday, ciidamada Dowladdu waxa ay xoreeyeen dhulkii ugu ballaarnaa oo dhaca bartamaha Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab wajahayaan howlgalkii ugu adkaa waayahooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.