Ciidamada hubeysan iyo jidadka Xamar

Mudo ka yar 24 saacadood, waxay askarta dowladda ku dishay inta u dhaxaysa Isgoysyadda Dabka iyo Zoobe saddex qof oo Soomaali ah.

Warar Keydmedia Online
Ciidamada hubeysan iyo jidadka Xamar

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho dadka ku nool labo cadow ayay dhexda u galeen, oo midna u tureynin, waxayn kala kulmaan maalin walba dil, dhac hantidooda iyo cabsi-gelin.

Jidadka Muqdisho ayaa hadda noqdey sii meeshii la oran jiray naar-ka-bood, oo adigoo Yaasiinka afka ku haya aad ku mareysid cabsi iyo kurbo, oo dhinacyada gaari Ciidan la iska fiiriyo.

Waxaa 24 saac gudahooda jidadka Dabka iyo Zoobe habeenadii Khamiista iyo Jimcaha lagu dilay saddex dhalinyaro ah, AUN Zakriya iyo Sowdo oo isla dhashay iyo Mahad C/raxmaan.

Waxay ubaxan dalka usoo wax bartey ku baxeen gacanta askari lagu bixiyo mushahaarkiisa canshuurta waalidkooda laga soo qaado, mana jirto wax dareen ah oo dowladda ka muujisay.

Xamar waxaa qaati laga taagan yahay Ciidanka dowladda ee hubeysan, oo marka wado ka xiranto ku furta rasaas, taasoo ay ku nafwaayeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Waxaa ugu daran askarta madaxda ilaalisa, oo ninka ay wadaan ee ku jira Gaariga bullet-proof-ka ugu qiimo badan 10 qof oo ay dilaan, si aysan wadada ugu furaan marka ciriirga jiro.

Muwaadiniinta maka helin dowladda daryeelkii ka rajeynayeen, waxayna noqotay inay iyadii ka baqaan, Ma haysan balan-qaad in qofka isagoo nabad ah gurigiisa kusoo laabanayo.

Balad-qaadyada Madaxda waxay noqdeen afka baarkiisa, iyo qowda-maqashii waxba ha u qaban. Markii dhacdo kicisay shacabka dhacdo, waxaa dadka lagu dejiyoo gudi la magacaabo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.