Ciidamada Jabuuti oo saldhig laga weeraray

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig Ciidamadda Jabuuti ay ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online

Dagaal muddo saacado ah socday ayaa ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan, kadib markii Ciidamadda Jabuuti ay ka jawaabeen weerar ay soo qaadeen Kooxda Al-Shabaab. 

Khasaaro ayaa soo gaaray labada dhinac, sida ay sheegayaan Saraakiil ka tirsan DF, inkastoo aysan jirin warar rasmi ah oo laga helayo Ciidamada Jabuuti ama midowga AMISOM. 

Kooxda Al-Shabaab oo isticmaalaya barahooda Warfaafinta ayaa sheegaya in ay dileen Hal Sarkaal, halka ay ka dhaawaceen Ciidamada Jabuuti saddex kale. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.