Ciidamada Jubbaland oo howlgal sameeyay

Ciidamada darawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sameeyay howlgal ay ka sameeyay deegno ka tirsan dhulka dowlad goboleedka Jubbaland

Warar Keydmedia Online
Ciidamada Jubbaland oo howlgal sameeyay

KISMAAYO, Soomaaliya - Duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayey howlgal qorsheysan ka sameeyeen ciidamada darawashiita Jubbaland.

Howlgalkan ayey ciidamadu si gaara uga sameeyeen degaannada Yaaqbari wayne, Farey iyo Tuulooyin kale oo hoostaga deegaanka Cabdalla Biroole, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay ku raad joogan xubno ka tirsan ururka  Al-Shabaab oo halkaasi kawaday falal amni darro ah iyo weerarro qorsheysan sida ay saraakiishu ku war bixisay.

Saraakiisha fulinaysa howlgalka ayaa waxay sheegeen in la burburiyay saldhigyo ay kooxdu ku lahaayeen deegaanadaasi, waxaana gabi ahaanba cagta la mariyay saldhigyada kooxda, iyadoo sidoo kalena halkaasi lagu dilay qaar kamida xubno sar sare oo ka tirsan kooxda iyo maleeshiyadii hubeysneed ee kooxda kuwaasoo deegaanada howl galka laga sameeyay ka geysan jiray falal amni darro.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sii kordhaya baryihii u dambeeyay, iyadoo ay kooxdu ka faa'iideysaneyso muran siyaasadeedka la xiriira doorashooyinka ee ay isku hayaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.