Ciidamada Atam iyo kuwa Faroole oo dagaalamay

Galgala(keydmedia) Waxaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Galgala dagaal uu ku dhex maray ciidamo kala taabacsan C.raxmaan Faroole iyo wadaadka lagu magacaabo Max’ed Saciid atam.
Warar Keydmedia Online

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii dhalinyaro ka tirsan ciidamada Faroole ay weerar ku qaadeen Atam, isla markaana ay iska daafaceen Atam iyo ciidamadiisa, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Faroole ayaa xili hore waxa uu sheegay in maamulkiisa ay soo gabagabeeyeen dagaalkii ay kula jireen Atam iyo kooxdiisa, waxaana taasi imanka muuqaneysa in ay tahay mid aan sax aheyn, waayo ciidamadii atam waa kuwa wali dagaal kula jira Faroole.

Kooxda Faroole ayaa waxaa uga geeriyooday askar badan dagaalka ay kula jiraan Max’ed Saciid Atam.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.