Ciidamada Dowladda Somalia oo la wareegay Buurdhuubo

Buurdhuubo(KON)-Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda Somalia oo la wareegay Buurdhuubo

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa Degmada Buurdhuubo Al-shabaab kala wareegay sida uu Keydmedia online u Xaqiijiyey Diyaad Cabdi Kaliil oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo.

Diyaad Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay hada si buuxda u maamulaan Degmada Buurdhuubo oo Al-shabaab ay ka Baxeen Degmada.

Sargaalka ayaa intaa ku daray in Duleedka Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Ciidmada Dowladda iyo Al-shabaab  ay ku dagaalameen,waxaana uu Xusay in uu san jirin wax Khasaaro ah oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya soo gaaray.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale noo sheegay Ciidamada Itoobiya  ay Degmada Duqeeyeen inta aysan soo galin,aydoona Dadkii ku noolaa Degmada ay ka barakaceen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa Maalmahaan  Gobolada Baay,Bakool iyo Gedo ka waday dagaal ka dhan ah Al-shabaab,ayagoona la wareegay Degmooyin ka tirsan Goboladaasi.

Keydmedia online - xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.