Ciidamada Faroole oo weerar ku qaaday Masaajid

Boosaaso(keydmedia) Wararka laga helayo magaalada Boosaaso xarunta gobalka bari ayaa sheegaya in ciidamada C.raxmaan Faroole Shalay salaadii maqrib ay weerareen masaajid ku yaala Boosaaso.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada ayaa gudaha u galay masaajidka Al-Rowada oo ah masaajid weyn oo leh laba qeybood oo ragga iyo dumarka ay ku kala tukadaan, waxaana ciidamada ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen qeybta dumarka ay ku tukadaan.

Ciidamada weeraray masaajidka ayaa waxaa hogaaminayay taliyaha ciidamada xabsiga dhexe ee Boosaaso ninka lagu magacaabo Muxidiin, waxaana ciidamada ay ka kaxeesteen masaajidkaasi macalin dugsi qur’aan oo lagu magacaabo Shiikh Mowliid.

Wararka saakay la helay ayaa sheegaya in ciidamada Faroole ay dib xoriyadiisii u siiyeen macalinka ay xabsiga u taxaabeen, iyadoona aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysay weerarka masaajidka ay ku qaadeen.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.