Ciidamada Kenyaatiga oo Gumeysi ku hayaan Shacabka Gobbolda Jubbada Hoose iyo Gedo

Kismaayo (Keydmedia) - Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deegaano ka kala tirsan Gobbolda Jubbada Hoose iyo Gedo ee dalka Soomaaliya halkaasoo ay ku suganyihiin ciidamada Kenyaatiga ee duulanka guracan ku soo qaaday Qranimada Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay shaaciyay in ciidamada Kenyaatiga ee deegaanadasi ku sugan ay ku hayaan Guumeysi aan waxbo dhaamin kuwii Ingiriiska, iyo Talyaaniga.
Warar Keydmedia Online

Sida ay ku waramayaan dadka ku nool deegaanada,Dhoobley, Qooqaani, Taabto iyo Xayo oo Jubbada Hoose ka tirsan iyo sidoo kale degmada Ceel-waa iyo Deegaanka Buzaar oo Gedo ka tirsan ayaa sheegayan in ciidamada Kenyaatiga ee sida sharci darada ah ku soo galay ay ula dhaqmaan si qaab adaran oo Guumeysi ka daran, waxana ay dadkaasi sheegeen in Kenyaatigu ay ka ilaalinayaan dhulkooda.

Dadka ku nool deegaanada ay ciidamada Kenyaatigu dhibaatada ku hayan ayaa intasi ku daray inaysan u dul qadan doonin sida ay ula dhaqmayaan Kenyatigu iyagoo hadana dhulkooda Hooyo ku soo duulay.

Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.