Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa oo ka baxay Bakool

Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaanahan ku sugnaa Deegaanka Qurac joomo oo ka mid ah Deegaanada hoostaga Gobalka Bakool ayaa saacadihii la soo dhaafay ka baxay halkaasi.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada ayaa la sheegay in ay xalay isaga baxeen halkaasi, waxaana socodkooda dib uu u soo laabtay Gaadiidka Dadweynaha ee u kala guusha gobalka Bakool iyo dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Mudadii ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiyaanka halkaasi ayaa waxaa aad u yaraa socodka Gaadiidka iyagoona xanibay gaadiidka sabab la xiriirta gaadiidkaasi oo aan laheyn Targada Itoobiya.

Waxaan ilaa iyo hada la sii saadaalin karin talaabada xigta ee ay qaadayaan ciidamada iyo Suurtagalnimada in ay dib u soo laabtaan, waxaana Gobalka Bakool iminka si weyn looga hadal hayaa arinkaasi.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.