Galmudug: Ciidamo gaaray deegaan dil ka dhacay

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Galmudug ayaa gaaray deegaanka Xirsi Lugey oo shalay lagu dilay 7 ruux oo shacaba.

Warar Keydmedia Online
Galmudug: Ciidamo gaaray deegaan dil ka dhacay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ciidamo ka kala tirsan Qaybta 21aad iyo Guutada Gorgor, ayaa oo ka ambabaxay Dhuusamareeb, ayaa gaaray deeganka Xirsi-lugeey ee duleedka degmada Balanbale.

Ciidamada waxaa hogaaminaya Taliyaha qaybta 21aad Col Cali Dheere iyo Taliye Gasaawe, waxaana ay howlgallo lagu baacsanayo Malleeshiyaadkii dilka ka gaystay ka sameynayaan deeganka Xirsi-lugeey ila dagmada Balabbale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Waxaa lagu soo warramayaa sidoo kale in wufuud kala duwan oo heer Wasiirro ah ay maanta ku wajaahanyihiin dagmooyinka Balanbale iyo Guriceel, kuwaasoo ka qayb qaadan doona aaska iyo dejinta xiisadda ka dhalatay dilka dadka shacabka ah.

Odayaasha Dhaqanka gobolka ayaa dowladda Farmaajo ku eedeeyay inay dilka ka dambeyso, waxayna ku baaqeen in Cadaaladda la horkeenno askarta DF ee dilka geystay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.